Mareykanka oo sheegay in Amaan darrida Ciraaq ay noqoneysa mid kasii dareysa.
Published on July 31, 2011 by cabdulaahi · No Comments
31.JULY.2011:- Warbixin ay soo saartay Wakaaldda mareykan ah oo loo xilsaaray dib u dhiska dalka Ciraq ayaa sheegtay in xaaladda amaan ee dalkaasi in ay noqotay mid aad u xun marka loo eego sanadkii hore.
Madaxa guud ee kooxda loo xilsaaray dib u dhiska dalka Ciraq Stiward Boyin ayaa sheegay in ayaamahan dambe ay bateen dilka askarta Mareykanka, shirqoolka Mas’uuliyiinta Ciraq iyo qaraxyada kal duwan ee laga fulinayay dalkaas.
Waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada mareykanka ilaa iyo imika aanay xaqiijin degenaashaha iyo amaanka dalkaas iyadoo dhowr bil ay ka harsan tahay xilliga loo qorsheeyay in ay bilaabato ka bixitaanka ciidamada mareykanka.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in tababrka Mareykanka ay u fidinayaan ciidamada Ciraq ee loo tababarayo in ay la wareegaan Mas’uuliyadda dalka in ay ku iman doonto dhibaatooyin sabab u noqday misaaniyadda dhanka wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka oo yaraata.
Waxaa xusid mudan in 47 kun oo kamid ah ciidanka Mareykanka in ay ka baxayaan Ciraq dhammaadka sanadkan sida ay ku heshiiyeen labada xukuumad ee baqdad iyo Washington.