Madaxweyne Kibaki oo Keenyaanka u xaqiijiyey iney dowlada ka go’an tahay isbaddalo in la sameeyo
Published on July 19, 2011 by anteno · No Comments
Nairobi: - Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa waxa uu xaqiijiyey in dowlada ay ka go’an tahay iney hir galiso isbadalo balaaran, taasi oo ku saabsan maamulka arrimaha dadweynaha iyo xoojinta dastuurka.
Madaxweyne Kibaki ayaa ku nuuxnuux sadey in qaabka cusub nidaamka dowladda in la diyaariyey, iyadoo la raacayo dastuurka cusub.
Madaxweyne Kibaki ayaa farta ku fiiqey in ilaa iyo iminka ay dowladda hirgaliso isbadalo fara badan, isagoo sheegay in geedi socodka isbadalada uu yahay mid aan la joojin Karin, iyadoo lagu socdo wadadii midnimada iyo horumarka.
Madaxweyne Kibaki ayaa waxa uu hoosta ka xariiqey in muhiimadda uggu weyn ay tahay dhaqan gelinta dastuurka cusub ee dalka.