Saturday, May 19th, 2012

Dhaqanka: Xagee ayay kabaxday Gambadii ama Hogoogtii Hablaha?..

Published on July 14, 2011 by   ·   4 Comments

Qowmiyad kastaa waxaa ay leedahay hab-dhaqan u gooni ah sida xirashada dharka, ama nooca labiska ay qaataan.

Soomaaliduna waxaa ay ka mid tahay qowmiyadaha leh hab dhaqan ugaar ah oo lagu aqoonsado, tusaale haddii aad aragto nin xiran macwiis waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhaceyso in ninkaasi yahay carab, soomaali ama qowmiyadaha kale ee kushaydka laysku yirahdo.

Haddaba dumarka soomaaliyeed kuwooda reerka leh waxaa astaan u ahaan jirtay gambo ama hagoog madow taaso ah mara yar oo madow ah oo dumarka soomaaliyeed kuwooda la qabo ay madaxa ku xiran jireen halka kuwooda  da’yarta ah ee aan wali guursan ay tidcan jireen ama daban jireen timahooda iyagoon wax saari jirin,,,gambaduna waxaa ay ahayd astaanta lagu kala garta gabadha, tan garoobka ah iyo gees xirka. Gambadu waxaa kale oo ay ahayd darajo ay gabadhu  uga soo gudubto gabarnimadeeda kuna soo biirta marwooyinka kale ee la qabo.  Haddaba waxaa gebi ahaanba suulay astaantaasi waxaana lagu badalay waxyaabo kale oo dumarka soomaaliyeed madaxa saartan balse aan lahayn aqoonsi gaar ahaaneed sida in la kala garta gabadha aan la guursan iyo tan la guursaday.

Haddaba waxaa lays weydiin karaa xaggee ayay ku dambeysay gambadii ama hagoogtii madoobayd?

Maxaase badalay ? Tani ma la dhihi karaa waxaa ay markhaati ka tahay sida ay dumarka soomaaliyeed u dabrayaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee lagu soo caana maalay?

 

Waxyaabaha badalay

  1. Masar, Qamaar, Shaash, fasaleeti iwm.

Maxamad Bilow , oo ah nin xaasle ah oo degan magaalada wajeer  ayaa waxaa uu aaminsan yahay in iminka ay adagtahay in la kala ogaado gabadha tan la qabo iyo tan kale.

Maxamed Bilow waxaa kale oo uu leeyahay “Haddii aad aragto gabar saran Qamaar ama Masar, banaysatayna foodda hore ama qaybta hore ee tinta waxaa ay astaan u noqon kartaa in gabadhaasi aan la qabin taasi oo iminka lagu badalay astaantii ahayn gamba la’aanta,,, sidoo kale gabadha arooska ah ee ka soo gudubta marxaladdii gabarnimo waxaa ay dhammaan dabooleysaa tinta

Qaar kamid ah dhalinta guur doonka ah ayaa waxaa iminka haysta jahawareer waayo intooda badan waxaa dhibaato ku noqotay in ay kala ogaadaan gabdhaha gayaankooda ah ee guur ujoogga ah ee aan wali laguursan iyo kuwa reerka leh.

Nin ayaa maali wuxuu iiga sheekeeyay arrin iga fajicisay.  Wuxuu yiri wiil ay qaraabo ahaayeen ayaa ka yimid baadiyaha wuxuuna booqasho ugu yimid reer ay qaraabo ahaayeen oo magaalada degnaa, wiilkan ayaa markani ahayd markii ugu horeysay ee uu magaalo yimaado,,,,wuxuuna inta mudda ah eegayay hab dhaqanka dadka magaalada. Wiilkani wuxuu indha dheer u lahaa hablaha magaalada iyo siyaabaha ay u labistaan. Markaasi ayuu wuxuu weydiiyay dhalintii magaalada “nimanyahow gabdhaha magaalada dhammaantood miyaa la qabaa idankuse dhalintiina magaalada maxaad guursan doontaa waayo dhammaan gabdhihii waxaa u saaran gambo?

Waxaa Diyaariyay oo isku soo duway Wariye Ahmed Abdi Ali (Jiir)
Ahmedjiir@gmail.com

 

PDF    Send article as PDF   

Readers Comments (4)

  1. mohamed says:

    waan kusalaamay sxb waa sxb ka barnaamijka joogana caasimadda soomaaliya ee muqdisho waxaan

  2. Sxbayal waan idin salamay wana ku farax sanahay barnamijka

  3. haji says:

    wan ku salami wa barnamaj xisa leh asante

  4. Waamo says:

    Asc slan kadib waa kaahin oo joga dhagahley. walaal hadan isku dayo jwbta su’aashada. Marka hore su’aashan runtii waxaa fahmi kara qof uu ku jirto dareen ah in uu leeyahay wax layiraahdo Hido & dhaqan soo jireen ah, ogna in aynu nahay dadka haysta dhaqamada dunida ugu fcn mid kamid ah oo diinta islaamka ku saleysan. Tankale waxaaba badalay hagoogta ayaa ah Gabdhaheena oon badan kooda an aqoon muhiimada hida & dhaqanka iyaga oo istic maalaha wax layiraahdo (Fashion) oo ku cadeynaya in aysan ogaynba in uu jiro wax dhaqan ah oo aynu leenahay. Marka walaalaheyga waxaan ku latalinayaa in ay bartaan dhaqankena suuban ayna ilaaliyaan sharafteena.




Local News

CRIME-SCENE_NET

Wiil uu dhalay wasiirka Maaliyada Kenya oo is dilay.

17.May.2012;-  Wiil uu dhalay wasiirka maaliyada  Njeru Githae ayaa saakay isku dilay xaafada Runda,ee magaalada Nairobi. Wiilkani uu dhalay ...
Eugene Wamalwa

Wasiirka cadaalada oo walaac ka muujiyay dhalinyarada badan ee kibandha la’aanta ah.

17.May.2012:-  Wasiirka cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Eugene  Wamalwa ayaa waxa uu sheegay in inka badan 4 milyan oo ...
uhuru

Uhuru oo dhawaan shaacinaya Xisbiga uu doorashada uga qayb galayo.

17.May.2012;-  Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Axada soo socota xisbiga uu doonayo in ...
ACCIDENT-

Shil gaari oo dad ku dhinteen oo ka dhacay wadada Muranga ee Kenya

17.May.2012:-  ugu yaraan 15 qof  ayaa ku geeriyootay xalay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Kenolo ...
tb

Gabaabsi dhanka Talaalka Nooca looga hortago TB oo dalka ka jira .

17.May.2012:-  Dowlada ayaa cadaysay in dalka uu ka jiro gabaabsi dhanka talaalka BCG oo ah Talaalka Caruurta ee ...
shariif

Madaxwayne shariif oo ka warbixiyay Kulankii Golaha amaanka ee Newyork ka dhacay

16.May.2012:-  Madaxwaynaha dawlada Kmg ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka warbixiyay Kulankii Shalay ay Golaha amaanka ...
mom

Booliiska Gobolka Xeebta oo baaraya weerar xalay lagu qaaday goob Club ah .

16.May.2012;-  Booliiska magaalada Mombasa ayaa baaritaano ku haya weerarkii Bambaano ee xalay lagu qaaday goob Club  ah oo ...
mukuruy

Dab ka kacay xaafada isku raran ah oo ku taala Nairobi

16.May.2012;-  In ka badan 100 qoys ayaa ku gurya beeshay dab ka kacay qayb ka mid ah xaafada ...
kakuma

Gaadiidleyda reer Kaakuma oo qiimaha shidaalka ka cabanaaya .

15.May.2012;-  Gawaarilayda Xarada Qaxootiga ee Kaakuma ayaa waxa ay cabasho ba'an ka muujiyeen sicirka shidaalka oo sare u ...
KENYA

Qarax dhimasho iyo dhaawac gaystay oo lala beegsaday askar Kenyaan ah oo ku sugnayd xerada dhagaxlay.

15.May.2012:-  Inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay sadex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Qarax xoogan ...

Sports

pod

Podolski oo ka mid noqday ciyaaryahanada Arsenal (sawiro)

16.May.2012:-  laacibka Cusub ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa sheegay inuu sugi la'yahay safashada kulamada kooxdiisa Cusub. Podolski ayaasi ...
van-persie490ai

Kooxda Juventus oo doonaysa Van Persie

15.May.2012:-  Naadiga ka dhisan Carriga Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa inay sii laba laabto dadaalka ay ku doonayso ...
hezard

Eden Hazard “waxaan kusoo wajahanahay Manchester”

15.May.2012;-  Ciyaaryahanka dhanka Garabka kaga ciyaara Kooxda Lille  Eden HazardAyaa si rasmi ah ugu celiyya inuu xili ciyaareedkaan ...
ibra

Ibrahimovic oo la sheegay inuu sii ahaanayo ciyaaryahan ka tirsan Kooxda AC Milan

15.May.2012;-  Wakiilka Weeraryahanka Kooxda AC Milan  Ibrahimovic ayaa sheegay in xidigaasi uu sii joogayo kooxda Reer Talyaani ee ...
benzema

Benzema oo Xaqiijiyay inuu sii joogayo Kooxda Real Madrid

15.May.2012;-  Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa sheegay inuu siwayn ula dhacsanyahay hanaanka iyo awooda ciyaareed ee ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna