Qowmiyad kastaa waxaa ay leedahay hab-dhaqan u gooni ah sida xirashada dharka, ama nooca labiska ay qaataan.
Soomaaliduna waxaa ay ka mid tahay qowmiyadaha leh hab dhaqan ugaar ah oo lagu aqoonsado, tusaale haddii aad aragto nin xiran macwiis waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhaceyso in ninkaasi yahay carab, soomaali ama qowmiyadaha kale ee kushaydka laysku yirahdo.
Haddaba dumarka soomaaliyeed kuwooda reerka leh waxaa astaan u ahaan jirtay gambo ama hagoog madow taaso ah mara yar oo madow ah oo dumarka soomaaliyeed kuwooda la qabo ay madaxa ku xiran jireen halka kuwooda da’yarta ah ee aan wali guursan ay tidcan jireen ama daban jireen timahooda iyagoon wax saari jirin,,,gambaduna waxaa ay ahayd astaanta lagu kala garta gabadha, tan garoobka ah iyo gees xirka. Gambadu waxaa kale oo ay ahayd darajo ay gabadhu uga soo gudubto gabarnimadeeda kuna soo biirta marwooyinka kale ee la qabo. Haddaba waxaa gebi ahaanba suulay astaantaasi waxaana lagu badalay waxyaabo kale oo dumarka soomaaliyeed madaxa saartan balse aan lahayn aqoonsi gaar ahaaneed sida in la kala garta gabadha aan la guursan iyo tan la guursaday.
Haddaba waxaa lays weydiin karaa xaggee ayay ku dambeysay gambadii ama hagoogtii madoobayd?
Maxaase badalay ? Tani ma la dhihi karaa waxaa ay markhaati ka tahay sida ay dumarka soomaaliyeed u dabrayaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee lagu soo caana maalay?
Waxyaabaha badalay
Maxamad Bilow , oo ah nin xaasle ah oo degan magaalada wajeer ayaa waxaa uu aaminsan yahay in iminka ay adagtahay in la kala ogaado gabadha tan la qabo iyo tan kale.
Maxamed Bilow waxaa kale oo uu leeyahay “Haddii aad aragto gabar saran Qamaar ama Masar, banaysatayna foodda hore ama qaybta hore ee tinta waxaa ay astaan u noqon kartaa in gabadhaasi aan la qabin taasi oo iminka lagu badalay astaantii ahayn gamba la’aanta,,, sidoo kale gabadha arooska ah ee ka soo gudubta marxaladdii gabarnimo waxaa ay dhammaan dabooleysaa tinta”
Qaar kamid ah dhalinta guur doonka ah ayaa waxaa iminka haysta jahawareer waayo intooda badan waxaa dhibaato ku noqotay in ay kala ogaadaan gabdhaha gayaankooda ah ee guur ujoogga ah ee aan wali laguursan iyo kuwa reerka leh.
Nin ayaa maali wuxuu iiga sheekeeyay arrin iga fajicisay. Wuxuu yiri wiil ay qaraabo ahaayeen ayaa ka yimid baadiyaha wuxuuna booqasho ugu yimid reer ay qaraabo ahaayeen oo magaalada degnaa, wiilkan ayaa markani ahayd markii ugu horeysay ee uu magaalo yimaado,,,,wuxuuna inta mudda ah eegayay hab dhaqanka dadka magaalada. Wiilkani wuxuu indha dheer u lahaa hablaha magaalada iyo siyaabaha ay u labistaan. Markaasi ayuu wuxuu weydiiyay dhalintii magaalada “nimanyahow gabdhaha magaalada dhammaantood miyaa la qabaa idankuse dhalintiina magaalada maxaad guursan doontaa waayo dhammaan gabdhihii waxaa u saaran gambo?
Waxaa Diyaariyay oo isku soo duway Wariye Ahmed Abdi Ali (Jiir)
Ahmedjiir@gmail.com
waan kusalaamay sxb waa sxb ka barnaamijka joogana caasimadda soomaaliya ee muqdisho waxaan
Sxbayal waan idin salamay wana ku farax sanahay barnamijka
wan ku salami wa barnamaj xisa leh asante
Asc slan kadib waa kaahin oo joga dhagahley. walaal hadan isku dayo jwbta su’aashada. Marka hore su’aashan runtii waxaa fahmi kara qof uu ku jirto dareen ah in uu leeyahay wax layiraahdo Hido & dhaqan soo jireen ah, ogna in aynu nahay dadka haysta dhaqamada dunida ugu fcn mid kamid ah oo diinta islaamka ku saleysan. Tankale waxaaba badalay hagoogta ayaa ah Gabdhaheena oon badan kooda an aqoon muhiimada hida & dhaqanka iyaga oo istic maalaha wax layiraahdo (Fashion) oo ku cadeynaya in aysan ogaynba in uu jiro wax dhaqan ah oo aynu leenahay. Marka walaalaheyga waxaan ku latalinayaa in ay bartaan dhaqankena suuban ayna ilaaliyaan sharafteena.