Booliiska oo ilaalo adag ka haya aqalka baarlamaanka
Published on July 19, 2011 by anteno · No Comments
Nairobi: - Ciidamada ka hortaga rabshadaha oo si aad ah u hubeysan ayaa waxeay ilaala weyn ka hayaan aqalka baarlamaanka iyo goobaha ku xeeran, ka dib markii kooxaha bulshada rayidka ah ay sheegeen iney doonayaan iney ku carqaladeeyaan furitaanka baarlamaanka.
Todobaadkii aynu soo dhaafney ayaa ardada jaamacada Nairobi iyo qaar ka mid ah kooxaha bulshada rayidka ayaa waxa ay sameeyeen dibad ay ku mareen qaar ak mid ah wadooyiinka caasimada iyaga oo gaaray aqalka baarlamaanka isla markana dalbanayay in wasiirka waxbarshada Prof Sam Ongeri uu xilka iska casilo.
Kalfadhiga baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta uu dib u soo cusboonaado, iyadoo ay jiraan howlo badan oo u yaalla baarlamaanka.