Published on June 30, 2011 by anteno · No Comments
Iraqi: – Maxkamad ku taala magaalada Baqdad ee Xarunta dalka Ciraq ayaa xabsi daa’in ku xukuntay haweenay uu ka geeriyooday Abuu Cumar Al-baqdadi oo kamid ahaa dadkii ugu sarsareeyay Ururka Al-qacida.
Abuu Cumar Al-baqdadi ayaa sanadkii hore ku geeriyooday howl gal military oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Ciraq iyo kuwa mareykanka ee ka howl gala dalkaas.
Wakaaladda Wararka ee Faransiiska AFP ayaa kasoo xigatay Cabdi Sataar Al-biirqadaar oo ah afhayeenka maxkamadda xukuntay haweeneyda ayaa sheegay in haweeneyda oo u dhalatay dalka Ciray ay seygeedii geeriyooday kala qeyb gashay howl gallo badan oo argagixiso ah waxa uuna ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca haweeneyda oo uu kusoo gaabiyay W.J.
Waxa kale uu intaasi raaciyay in haweeneydu ay maamuli jirtay hantida iyo hubka lagu weerar tagi jiray.
Cabdi sataar ayaa sidoo kale tilmaamay in xukunkan xabsi daa’inka oo dalka Ciraq ka aha 20 sano ilaa 25 sano ay haweenyda racfaan ka qaadan karto.
Waxaa xusid mudan in Abuu Cumar Al-baqdadi lagu dilay Waqooyiga baqdad 18-kii April ee sanadkii 2010-kii sidoo kale xilligaas waxaa lala dilay Abuu Ayuub Al-Misri oo isna ka mid ah hoggaamiyayaashii ugu sareesay kooxda la baxday dowladda Islaamiga ee Ciraq oo ka tirsan Al-qacida, dilalka labadaasi hoggaamiye ayuuna ku sheegay xilligaas General Rai Owdirno in ay darbo kulul ku tahay Al-qacidada ku sugan dalka Ciraq.