Wasiirada Maaliyadda ee Faransiiska oo loo doortay Madaxa IMF-ta
Published on June 29, 2011 by anteno · No Comments
France: – Golaha maamulka ee Sanduuqa lacagta adduunka IMF-ta ayaa shalay waxa ay u doorteen wasiiradda maaliyadda ee Faransiiska Cristine Lagard iney noqoto madaxa cusub ee sanduuqa, iyadoo badeleysa Straus Kahn oo isna Faransiis ah kadib markii lagu soo edeeyay fadeexo la xiriirta galamada oo ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Cristine Lagard ayaa ku guuleesatay jagadaas kadib markii ay taageero buuxda ka heshay dalalka awood lataaban kara kuleh sanduuqa lacagta adduunka IMF_ta oo ay kamid yihiin Mareykanka , Shiinaha Ruushka iyo Barazil.
Bayaan kasoo baxay IMF-ta ayaa lagu sheegay in golaha fulinta ee sanduuqa ay doorteen in Cristine ay noqoto madaxa Sanduuqa mudo shan sano ah oo ugu bilaabmeysa 5-ta bisha July ee sanadkan, majirin cid la tartantay Cristine Lagard marka laga reebo madaxa bankiga dehxe ee Mixico Augostine Cristanis oo ay ka awood roonaatay.
Wasiiradda maaliyadda ee Fransiiska Cristine Lagard ayaa ku sheegtay farriin ay ku qortay bogga arimaha bulshada ee Twitter-ka in ay aad ugu faraxsan tahay in ay qabato jagada ugus areysa ee Sanduuqa lacagta adduunka ee IMF-ta.
Cristine Lagard ayaa dalkeeda ka heysa jagada wasiiradda Maaliyadda tan iyo bishii July ee sanadkii 2007-dii.
Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalahana waxa ay sheegayaan in muhiimadda koowaad ee Cristine Lagard ay noqon doonto sidii ay diiradda ku saari laheyd wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ee ku habsatay dalka Greece.