Sacuudiga oo sheegay in dalka baxreyn ay kala soo baxayaan ciidamadooda
Published on June 29, 2011 by anteno · No Comments
Saudi Arabia: – Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa la sheegay in ay go’aansatay in ay kala soo baxeyso dlaka Baxreyn ciidamada ka jooga laga bilaabo isniinta soo socota.
Mid kamid ah Mas’uuliyiinta dalka baxreyn ayaa u sheegay wakaaladda wararka e Reuters in sababta ka dambeysa in xilligan ay go’aansadaan sacuudiga in ay la baxaan ciidamadooda ayuu ku sheegay in xaaladda dalka Boqortoyada Baxreyn uu u muuqdo mid soo wanaagsanaanayo akdib rabshada isadaba jooga ah oo looga soo horjeedo nidaamka haya talada oo laga arkay dalkaas.
Mas’uul kalana waxa uu u sheegay isla Reuters in ay baxayaan oo kaliya qeyb ka mid ah ciidamada Sacuudiga, wakaaladda wararka ee Associated Press AP-na waxa ay kasoo xigatay Nabiil Bin yacquub Alxumr oo ah lataliyaha boqorka Baxreyn ee arrimaha warfaafinta oo sheegay in ciidmaada ka socda Khaliijka ee ay sucudigu hogaaminayaan in ka qeyb qaateen dejinta dalka baxreyn laakin waxa uu ka gaabsaday arrinka ku saabsan bixitaankooda
Laakiin majto cadeyn rasmi oo ka timid Sacuudiga amaba Baxreyn oo tilmaameysa in ciidamadaasi ay baxayaan.
Wakaaladda wararka ee faransiiska AFP ayaa kasoo xigatay Mas’uul u dhashay sacuudiga oo sheegay in ciidamada ka socda Khaliijka carabta gaar ahaan sacuudiga iyo emarate-ka lasii xoojin doono islamarkaana kuwa imika ku sugan gudaha baxreyn aanay qeyb kamid ah soo bixi doonin.
Tirada ciidamada sacuudiga eek u sugan gudaha baxreyn ayaa gaaraya kun askari , In ciidamadan ka socda sacuudiga, oo ay wehliyaan kuwa kale oo ka socda Emarate-ka iyo kuweit ay gaaraan dalka baxreyn ayaa ka dambeesay dibad baxyo xooggan oo isbedel lagu raadinayo oo ka dhacay dalkaas iyadoo xilligaasna boqortooyada baxreyn ay ka dalbatay golaha iskaashiga Khaliijka carabta in ay usoo diraan ciidan kala qeyb qaata dejinta rabshadaha.
Madaxa ciidamada difaaca ee baxreyn Sheekh Khaliifah bin Xamd Aala Khaliifah ayaa sheegay bishii hore in ciidamada kasocda Khaliijka ay kusii sugnaanayaan dalkisia inta laga dhameynayo wadahadalo nabadeed oo ku dhisan qaranimo.