Miisaaniyada dowlada hoose ee Nairobi oo lagu wado in maanta la soo bandhigo.
Published on June 30, 2011 by anteno · No Comments
Dowlada hoose ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in maanta ay xariga ka jarto miisaaniyad dhan 13.4bilyan oo shiling si sare loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha ,sida caafimaadka iyo waxbarshada.
Miisaaniyada dowlada hoose ee 2010-ka iyo 2011-ka ayaa waxaa aqrin doona gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha ee dowlada hoose Maykal Ukuumuu.
Waxaa la filayaa in 10-bilyan oo miisaaniyadan ka mid ay ka timaado dowlada hoose halka lacagta kale ee 3.4bilyan ee shiling ay bixinayso waaxda kayd haynta dalka.
Aqrinta miisaaniyada dowlada hoose ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu daba socdaa miisaaniyada qaran ee dalka oo barlamaanka laga aqriyay bishan June.
Dowlada hoose ee Nairobi ayaa dad badan ay u arkaan in waxqabadkooda uu aad u liito marka la eego dhaqaalaha soo gala.