Dhagysi dacwada 6-da shaqsi ee Kenyanka oo la go’aamiyay in Heeg lagu qabto.
Published on June 30, 2011 by anteno · No Comments
Dhagaysiga dacwadaha ka dhanka ah 6-da shaqsi ee Kenyanka ah ayaa haatan lagu qaban doonaa magaalada Heeg ee xarunta ICC-da.
Arintani ayaa ka danbaysay ka dib gudoon ay soo saartay xaakimka maxkamada ICC Ekaterina Trendafilova oo ay ku sheegtay in 6-da shaqsi ee Kenyanka ah Henary kosgay oo kaliya uu dalbaday in dhagaysiga dacwadaha lagu qabto magaalada Nairobi halka madaxa shaqaalaha dowlada Fransisi Muthauura uu soo jeediyay in dhagaysiga dacwadaha lagu qabto magaalada caruusha ee dalka Tanzaniya.
Xildhibaanka Waqooyiga Eldoret William Ruto, Saxafiga Joshua Sang, Ra’isul wasaara ku xigeenka Uhuru Kenyatta iyo taliyihii hore ee booliiska General Hussein Ali. ayaa iyagu dalbaday in dhagaysiga lagu qabto magaalada Heeg.
Waxaa uu soo afjarayaa murankii ku saabsanaa halka lagu qabanayo dhagaysiga dacwadaha 6-da shaqsi ee bisha Sep lagu wado in dacwadahooda ay si rasmi ah u bilaabmaan.
Kiiska ka dhanka ah Ruto,Sang iyo Kosgey ayaa la dhagaysan doonaa 1-da bisha September halka ay sidoo kale Maxkamada ka hor muuqan doonaan 21-da September Uhuru, Muthaura iyo Ali.
Dhagaysiga dacwadaha ka dhanka ah 6-da shaqsi ee Kenyanka ah oo lagu wado in la qabto bisha September e soo socota ayaa waxaa la ogaan doonaa cadaymaha loo hayo danbiyada lagu eedaynayo shaqsiyaadkan.