Morocco: – Dalka kuyaalla dhanka waqooyi ee qaaradan Africa ayaa galaya olalaha maalintiisii uggu danbeysay, iyadoo ay kusoo fool leedahay afti u qaadidda dastuurka, halka dalalka ay dariska yihiin ay ka dhaceen kacdoono shacab.
Maalintii uggu danbeysay ee ololaha Morocco ayaa maanta la galey, iyadoo dalka ay kusoo fool leedahay afti u qaadis ku foogan in la xadiddo ama laga wareejiyo awoodda boqor Mohammed-ka 16” VI” ee dalkaasi, kaasoo soo bandhigaey is badalo, waxeyna arrintaasi ka danbeysay kacdoonada lagu baritaarayo maamul furfurnaanta ee ka dhacey dalalka Carabta.
Dalka haatan waxaa soo food saarey banaanbaxyo looga tisqaadanayo kuwii awoodda looga tuurey hoggaamiyayaashii kaligii taliyayaasha ahaa ee Tunisia iyo Masar, boqorka ayaa ku dhawaaqey aftida bishan, halka ay iyagu codbixiyeyaashu ay go’aansan doonaan in awoodda ay ka wareejiyeen boqortooyadii soo taxneyd ilaa iyo xili fog, kuna wareejiyaan habka ra’iisal wasaare iyo baarlamaan.
Boqor Mohammed-ka VI kaasoo awoodda ku dhaxley habka la isla dhaxlo boqortooyadii uggu cimri dheereyd ee Carabta, ayaa soo bandhigey is badaladan, kadib markii dhalinyarada loogu yeero “Dhaq dhaqaaqa 20-ka February” ay soo abaabuleen banaan baxyo lagu taageerayo hab maamuleedka furfuran, iyadoo ay wadooyinka waa weyn usoo baxeen kumanaan dhalinyaro ah.
Is badaladan ayaa laga soo dhoweeyey dhanka iyo dibadda, iyadoo Midowga Yurubna uu ku tilmaamey talaabadan “If yar oo ku wajahan dimuqraadiyad dhab ah”
Dhaqdhaqaaqa 20-ka February ayaa ku hawlanaa walina wada qabashada banaanbaxyo, taasoo uu kasoo abaabuley dhanka iyo baraha bulshada ay ku kulanto ee internet-ka, sida Facebook-ga, ilaa iyo intuu lagu dhawaaqey isbadalada, ma joojin banaan baxyadooda
Sidoo kale, dhaq dhaqaaqa 20-ka February ayaa dalbadey maalinta axadda ah ee soo socota iney la isku soo baxo, oo la dhigo dibadbax aad u weyn.
2dmwa