Kenya: - Waziirka amniga gudaha dalka Prof. George Saitoti ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedeymaha loo soo jeedinaya dowladda ee ku aadan in ay ku guul dareysatay difaaca xadadka dalka iyo amniga dadka ku dhaqan.
Waziirka ayaa tibaaxay in dhibaata kasta oo soo food saarta amniga shacabka laga hortagayo balse taasi aanay macneheedu aheyn in lala dagaalamayo dalalka deriska ah, balse la doonayo in lagu xaliyo dhibaatooyinkan hab diblomaasi.
Proffessor George Saitoti waziirka amniga gudaha ayaa carabka ku dhuftay in dowladda ay dadaal badan u gashay sidii loo sugi lahaa ammaanka xuduudaha iyo dadka ku dhaqan isagoo booqanayay County-ga Turkana oo maalmo ka hor ay ku dileen maleeshiyo kasoo gudbay xadka Ethiopia ila iyo 40 qof oo Kenyan ah.
Dowladda ayaa hortey loogu soo jeediyay eedeymo ah in ay ku guul dareesatay in ay iska difaacdo weerarada kaga imaanaya dowladaha deriska la ah sida dagaalkii dhex maray Alshabab iyo xubno kasoo horjeeda ookasoo talaabay xadka Mandera iyo weerarada lagu qaaday dadka Turkaanada iyo Jaziiradda Maginga ee ay ku muransanyihiin kenya iyo Uganda.