Sadded sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Military-ga ee Liibiya ayaa ka goostay xukuumadda Qadafi iyagoo shalay Shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay gaaraay kadib markii ay ka baxsadeen dalkka Liibiya oo ay sii mareen dalka Tunisia, waxeyna ugu baaqeen Saraakiisha kale ee Military-ga in ay ka soo horjeestaan Qadafi oo ay ku biiraan mucaaradka.
Afhayenka wazaaradda arimaha dibadda ee Talyaaniga Moricio Masari oo ka qeyb gashay shirka sharaa’id ee ay qabteen saraakiisha ayaa sheegaty in Saraakiishu ay kasoo goostaan dhibaatooyin loo geysanayay, islamarkaana ay sameeyeen wax wanaagsan oo ah in ay ka goostaan nidaam aanan mustaqbal laheyn.
Dhanka kale Madaxweynha Koonfur Africa Jacob Zuma oo hoggaaminayay wafdi ka socday midowga Africa ayaa la kulmay hoggaamiyaha Liibiya waxa ayna kawada hadleen sidii xal looga heli lahaa rabshadaha ka socda Liibiya.
Afhayeenka Zooma ayaa u sheegay Saxaafadda in muhiimadda ugu weyn ee booqashadu ay aheyd sidii loo gaari laha xabad joojin iyo caawinaad la gaarsiiyo dadka ku sugan goobaha ay sida xoogan dagaalada ugu socdaan.