Kenya: – Police-ka dalka ayaa shalay waxey ku dileen magalada nairobi 8 qof oo burcad ah iyagoo gacanta ku dhigay laba gaari iyo saddex qori oo ay siteen burcadaasi.
Burcaddana ayaa la sheegay in ay doonayaan in boob ka geystaan Pharmacy ku yaalay magaalada Kikuyi, Saraakasha waaxda ka hortagga dambiyada ayaa ka soo raad raacay buyracadda wadada Mombasa Road kadib markii ay warbixino ka haleen dad rayid ah.
Madaxa Police-ka magaalada nairobi Antoni Kebuja ayaa sheegay in 8 dan qof ee buracadda ahaa ay in badan ku raad joogeen iyagoo boob horey ugu geystay goobo kala duwan.
Tallaabadan ay qaadeen Police-ka ee ay ku dileen burcadda ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladda ugu jirto sidii ay u cirib tiri laheyd kooxaha burcadda hubeysan ah ee boobka iyo dhibaatooyinka kale u geysanaya shacabka.