Isbaheysiga Nato ayaa ugu cudur daartay dowladda Afghanistan dilka ay u geysteen 14 qof oo rayid ahaa oo ku dhintay duqeyn ay sameeyeen diyaaradaha gaashaan buurta Nato xilli ay ku raad joogeen sida ay sheegeen ururka Dhaliban oo ku sugnaa deegaanka Halamand ee koonfurta dalkaas.
Bayaanka lagu cudur daaranayay aya sidoo kale ku xusnaa in joojinta khsaarooyin ku timaada dadka rayidkja ay tahay tan koowaad ee ay ilaalinayaan gaashaan buurto nato falkaasna uu yahay mid aad u fool xumaa oo aanan soo laaban doonin.
Bayaanka oo sida wada jir ah ay ugu wada saxiixnaayeen General David Betrios Madaxa ciidamada caalamiga ee Afghanistan iyo General John Tolan oo madaxa ciidamamada Badda Mareykanka ee Marineska ayaa tilmaamay in ay ad ugu xunyihiin dhacdadaasi ay geysteen diyaaradaha Nato.
bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay geysteen diyaaradaha kadib amrkii la dilay askari ka tirsanaa ciidamada Mariineska Mareykanka taasna ay keentay in ay qaadaan weerarka oo ay ku dileen qaar ka tirsan mintidiinta dhaalibaan iyo dadka rayidka ah, waxeyna intaasi ku dareen in dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeynta in ay ahaayeen 9 ee aanan aheyn 14 qof.