Kenya: - Guddi Cusub oo baarlamaani ah ayaa lagu wadaa in loo magacaabo in ay u kuur galaan xubnaha loo magacaabay madaxa cadaaladda iyo ku xigeenkiisa in ay yihiin kuwa qibrad u leh in ay qabtaan jagooyinkaas.
Guddigan Cusub ee barlamaaniga ayaa ka koobnaan doona 11 xubin oo 5 ay kasoo jeedaan ODm 6-na ay kasoo jeedaan PNU.
Go’aankan ayaa la filayaa in uu kusoo baxo kulan ay maanta qaadanayaan guddiga howl galka baarlamanka, iyadoo la qeexi doono shaqadooda rasmiga ahkadibna uu barlamanka meel marin doono.
Waxaa maalamihii ugu dambeeyay uu muran ka taagnaa guddigii cadaaladda iyo arrimaha sharciga ee loo xilsaaray u kuur galka xubnaha lasoo magaacay.
Guddiga baarlamaaniga cusub ee u kuur galaya xubnaha loo magacaabay madaxa cadaaladda iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in kulanka maanta looga dhawaaqo si ay u bilaabaan howlahooda shaqo islamarkaana ay soo afmeeraan muranka hareeray barlamanka ee ku aadan arrimahan.