Kenya: - Guddiga Mideynta iyo isku duubnaanta dalka ayaa carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin in ay wax ka abtaan hadallada naceybka ku dhian ee ay jeedinayaan siyaasiyiinta ka hor doorashada dalka ee sanadka 2012-ka.
Guddoomiyaha Guddiga Mideynta iyo isku duubnaanta dalka Musalendo Kebunja ayaa sheegay in ay ka hor tagayan wax walba oo dhibaato dhalin kara oo ku dhisana hadalada naceybka ah ee ay jedinayaan Mas’uuliyiinta dalka.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay meel dhigayaan istaraatiijiyad cusub oo ay ugu hortagayaan hadalada ay jeedinayaan siyaasiyiinta ee rabshadaha dhalin kara.
Xilli sii horeysay ayaa Guddiga waxaa loogu eedeeyay in ay ku guul dareesteen in ay tallaabo ka qaadaan siyaasiyiinta jeedinaya hadalada ku dhisan naceybka.
Ilaa iyo imkana waxaa maxkamadda la geeyay laba xildhibaan oo lagu eedeeyay in ay ku hadleen hadallo ku dhian naceyb balse ma jirto tallaabo cad oo laga qaaday xildhibaanadaasi.