Laamaha caafimaadka ee dalka Yemen ayaa sheegay in 46 qof ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen magaalada Taciz ee koonfurta Yemen kadib markii ciidamada nabad ilaalinta ay hor istaageen dad dibad bax sameynayay oo isku dayay in ay saldhig ka sameystaan fagaaraha xoriyadda ee magaaladaas.
Laamaha caafimaadka ayaa intaasi ku daray in la arkay meydad ku hoos jira teendhooyin ay dhisteen dadka dibad baxa sameynayay ee ay gubeen ciidamada dowladda.
Magaalada Sanca-na waxaa isugu soo baxay shalay galab boqolaal kun oo dibad baxayaal ah waxa ayna dhaleeceeyen dhibaatooyinka ka dhacay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Taciz, sidoo kale magaalooyinka Ib, Baydaa, Xadarmuud, Sacdah iyo magaalooyin kale ayaa ka dhacay diba dbnax kaas lamid ah.
Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa cambareesay dilka loogeystay dadka dibad baxa sameynayay ee magaalada Taciz lagu laayay , waxa ayna cadeesay bayaan uu soo saaray madaxweynaha mareykanka Brack Obama oo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka isaga dego madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax.
Dhanka kale Dadka deegaan Senjibar ee xarunta xaafadda Abyan ayaa sheegay in diyaarado ay duqeeyeen goobo badan oo kamid ah magaaladaas oo ay maalmo ka hor qabsadeen kooxo hubeysan oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin ururka Alqacida.