Kenya: - Dacwad oogaha maxkamadda Caalamiga ee ICC-da Luis Morinho Ocampo ayaa shalay eedeymo usoo jeediyay dowladda dalkani Kenya, waxa uuna tilmaamay in ay difaaceyso xubnaha looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen rabshadihii dalka ka dhacay dabayaaqadii 2007-dii iyo horraantii 2008-dii.
Ocampo ayaa farta ku fiiqay in saraakiil sare sare oo ka tirsan dowladda ay difaacayaan 6-da shakhsi , waxa uuna ku tilmaamay dowladda in ay fikrad qalad ah ka bixineysa baaritaanka ay wado maxkamadda ICC-da oo ay cadaalad ugu raadineyso dadkii ku waxyeeloobay rabshadihii ka dhacay dalka.
Dadka loo magacaabay in looga shakisan yahay rabshadihii ka dhacay dalka ee ay dooneyso ICC-da ayaa waxaa kamid ah Waziirka Maaliyadda ahna Rizulwazaare ku xigeenka Uhuru Kenyata, Henry Kosgey Waziirkii hore ee Warshadaha, Waziirkii hore ee tacliinta William Ruto madaxa waaxda boostada Xuseen Cali , Madaxa shaqaalaha Fransis Matahura iyo Wariye Aranb Sang.
Maxkamadda ICC-da ayaa la filaa in ay go’aan ka aadato bisha September ee sanadkan in xubnahaasi ay tagi doonaan the Heuge si loo bilaabo dacwadeooda.